Wilshere oo qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

Jack Wilshere ayaa soo bandhigaaya jaceylka uu u qabo Arsenal iyo macalinkeeda cadaadisku saaran yahay Arsene Wenger, wuxuuna u saxiixayaa heshiis shan sano ah oo uu ku qaadanayo 20 milyan oo ginni bisha soo aadan, sida uu qoray Daily Mail.

20-jirkaan qadka dhexe ee reer England, ayaa ka mid ah da’yarka tayada leh ee ugu shidan xulkiisa, wuxuuna kasoo baxay Akadeemiga Arsenal, laakiin Gunners ayaan todobo sano iyo bar wax koob ah qaadin.

Wilshere, ayaa la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan ay kooxda heshiis isugu afgartaan, marka lagu daro mushaar 80 kun oo ginni ah oo uu isbuucii ka qaato Emerates, waxaana sidoo kale daaha laga qaaday inuu doonayo inuu noqdo kabtanka kooxda maalin uun.

19-jirka garabka ka ciyaara Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la rajeynayaa inuu maro wadada saaxiibkiis oo kale oo uu isna heshiis cusubkooxda u saxiixo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.