XOG: Wareer lacageed oo ka taagan Villa Somalia (Xasan VS Saacid)

Weerar dhinaca xisaabta ah, ayaa ka taagan xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, taasi oo ku lug leh qaabka loo maareenayo lacagta Dowladda Somalia ay heysato.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh, ayaa sida aan xog ku helnay qaatay go’aan aad muxaafid u ah, isaga oo soo rogay amar ah in wax ka badan 5 kun oo dollar aan laga bixin kirin qasnadda Dowladda, la’aanta sixiixiisa, si uu uga hor tago in lacgo badan la lunsado.

Hase yeeshee sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, ra’iisul wasaare Saacid ayaa ka hor yimid go’aankaas, kuna sheegay mid hagardaamin kara howl maalmeedka Dowladda.

“Saacid, waxa uu madaxweynaha u sheegay inuusan isku keeni karin, wafti la kullan, booqasho dibadeeda, howl madaxweyne iyo saxiix lacageed oo isdaba joog” ayuu yiri il-wareed ku sugan Villa Somalia, oo Caasimada Online la hadlay.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa markaa kadib beddelay go’aankiisa kana dhigay lacagta illaa 10-kun oo dollar.

Dhammaan xubnaha dowladda sida ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada ayaa saxiixooda shaqeynayaa wixii ka yar 10-kun, hase yeeshee wixi ka badan intaas waa in madaxweynaha uu saxiixaa, sida uu go’aanka ku qaatay

Si kastaba ra’iisul wasaaraha ayaa weli saluugsan arrintaas, isaga oo aaminsan in shaqada Dowladda ay ku xiran tahay lacag 10 jibaar intaas ka badan maalinkii, ayna howlo badan hakad geli karaan marka madaxweynuhu mashquulo ama dalka ka maqan yahay.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu aad isaga ilaalinayo in Dowladiisa ay raacdo waddadii kuwii ka horeeyay oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo lacag lunsasho.