Lix bilood kadib dhankee u janjeerta guusha dagaalka UKRAINE iyo RUUSHKA?

Lix bil ayaa laga joogaa markii Ruushku uu si buuxda dagaal ugu qaaday Ukraine. Waxaana ay hadda dadka ku xeeldheer odorosidda xeeladaha dagaalka ay war u wanaagsan Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ka sheegayaan saansaanta dagaalka socda. 

Ukraine waa halgankii ugu muhiimsanaa ee reer Yurub dhex mara taniyo Dagaalkii Labaad ee Dunida. Waxyaabaha laga bartay waa in burburka iyo dhimashada aysan lahayn saansaan dhammaad leh. 

Ukraine waxay weli la halgamaysaa damaca iska xejinta awoodda Ruushka. Si kastaba, gaashaandhigooda ayaa hadda si aad iyo aad ah u bartilmaameedsanaya baraha saadka iyo xarumaha ciidanka oo ay ku jirto Crimea. Waxaana taas u sahlaysa kaalmada hubka ay ka helayaan Reer Galbeedka. 

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala eegtay raxan maraakiib ah oo marayay badda Black Sea ee Crimea maalintii Sabtida ayaa kamid ah tusaalayaasha ayidaya in Ruushku uu hadda u nugul yahay weerarrada Ukraine ay kusoo qaado. 

Waxaa hadda meesha kasii baxaysa cabsida tuhunkii ahaa in dagaalkani uu wiiqo midnimada Reer Galbeedka. Teegeerada siyaasadeed ee Ukraine looga hayo gudaha Yurub iyo Maraykanka way xoogan tahay, wxaana loo arkayaa in halganka Ukraine aanu wax saameyn ah ku yeelaneynin kororka qiimaha tamarta iyo cunnooyinka.

Maraykanku si gaar ah wuxuu geeskiisa Ukraine ka kabayaa dhinaca hubka, isaga oo ku caawinaya nidaamka Gantaallada Madaafiicda sare, marka laga yimaado kaalmada lacageed oo uu ugu yabooho. 

Wuxuu sidoo kale u balanqaaday adduun dhan $800 milyan oo lagu xoojiyo difaaca ciidamada badda, waxaana la socda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hoobiyayaal, iyo rasaas. Ujeedada ugu weyn ee awoodeynta ciidan ee uu Maraykanku ugu sameynayo Ukraine waa inay dib u qabsato dhulalkii gacantooda laga fara-maroojiyay. 

“Militariga Ruushku waxay lumiyeen wax badan oo kamid ah wixii ay ku taagnaayeen, waxayna xooggageeda u daabushay dhinaca koofureed ee waddanka si ay ugu diyaargaroobaan weerarada Ukraine kaga imaanaya,” ayuu yiri Michael Kofman, oo ah agaasimaha Barnaamijka Daraasadda Ruushka ee CNA. 

“Ilama ahan inay jirto dib-u-dhac kale oo ka jira gudaheeda oo ay wajahayso; waxay ila tahay in bog cusub uu u furmi doono kahor qaboobaha,” ayuu sii raaciyay. 

Natiijada kama dambeysta ah ee dadaalkaas weli ma cadda. Si kastaba, masiirka uu dagaalkani ku gaba-gaboobi doono waxay ku jirtaa gacanta Ukraine iyo sida ay usii xejisato dadaalkeeda. 

Labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay si qaldan u meel-dhigeen boqollaal meydadka iyo dhaawacyada askartooda ah taniyo markii uu dagaalku bilowday bishii Febraayo 24-keeda. 

Ruushka ayaa ka qasaare iyo dhimasho badan Ukraine marka ay timaado isdhaafsiga iyo kala gurashada dhimashada iyo dhaawacyada iyo agabyada, wuxuuse ku xisaabtamayaa calooshood-u-shaqeystayaal, maleeshiyaad iyo adeegsiga taangiyo hore si uu isu-dheelli-tiro. 

Waxaa kale oo la tilmaamaya in nidaamka maaliyadeed ee Ruushka uu la daalaa-dhacayo hoos-u-dhac qoto dheer, marka lala barbardhigo Reer Galbeedka. 

Natiijooyinka qaar ee hordhaca HALGANKA ayaa u muuqda kuwo la xaliyay. Madaxweyne Putin wuxuu isku dayay inuu dib u qoro wax uu ugu yeeray dhammaadka Dagaalka Qabow – isaga oo taas u maraya soo celinta saameynta taariikhiga ah ee Moscow ku lahayd Bariga Yurub. Laakiin taasi way fashilantay. 

Taasi cagsigeeda, wuxuu duullaankiisa Ukraine mideeyey qeyb ahaan Reer Yurub, waxaa dib boorka looga jafay awoodda ciidan ee NATO, waxaana xubinimadeeda codsaday dalal kale oo hor leh sida Sweden iyo Finland kuwaas oo kaga gaashaamanaya in Ruushku uu kusoo duulo. 

Ukraine waxay noqotay xabaddii mesagada ahayd ee kal iyo mooyo ku dhex badbaaday madaama filashadii labada dhinac ee Ruushka iyo Reer Galbeedka ay ka samata-baxday. Reer Yurub badan waxay la ahayd in Kyiv ay ku burburi doonto gacanta Ruushka. 

Dhammaadka xagaagan, Gaashaan-dhigga Ukraine ayaa rakibanaya kaalmooyin hub hor leh si ay gudaha fogfog ee Ruushka u duqeeyaan. Waxaase in badan ku adkaaneysa inay sahal ku jiiraan ama dib ula wareegaan furumihii horay looga qabsaday oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Ruushka. 

“Ukraine waxay heshay hindise leh istiraajiyad fiican,” ayuu yiri Francois Heisbourg, oo ah sarkaal hore oo Faransiis ah. 

“Laakiin ma naqaan sida iyo habka ay uga faa’iideysan karaan.”