Lix DEGMO oo cusub oo kusoo biiray HirShabeelle

Jowhar (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirrada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu ansaxiyay degmooyin cusub oo ka mid noqonaya degmooyinka rasmiga ah ee maamulkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka HirShabeelle ayaa maanta golaha hor keentay hindise sharciyeedka degmooyin loogu aqoonsanayo deegaanno dhowr ah.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay deegaanadaasi soo buuxiyeen shuruudihii degmo-nimo.

Deegaanada ay wasaaradda arrimaha gudaha HirShabeelle u diyaarineyso inay degmooyin noqdaan waxaa ka mid ah Moqokori. Masaajid Cali-Gaduud, Raaga-Ceelle, Buurweyn, Buq-aqable iyo Xawaadley.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirrada HirShabeelle ayaa cod aqlabiyad ah maanta ku ansixiyay degmooyinkaas.

Waa degmooyinkii ugu badnaa ee HirShabeelle ay aqoonsaneyso hal mar, waxaana hadda loo gudbinayaa baarlamaanka maamulkaas, si ay u ansixiyaan.

Dowlad goboleedyada dalka ayaa awood dastuuri ah u leh inay qiimeeyaan oo degmo u aqoonsadaan deegaanada soo koraya ee dalka.

Inta badan dowlad goboleedyada dalka ayaa horay degmooyin u aqoonsaday deegaano la aas-aasay intii Soomaaliya ay ku jirtay burburka.

Waa markii ugu horeysay oo HirShabeelle ay miiska soo saarto ansixinta degmooyin cusub oo ku biiraya degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.