‘Lix qof oo walaalaheey ah oo isku meel ku sugnaa ayuu ku dhacay qaraxii Bakaaraha’

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli tiiraanyoonaya qoysaska dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha Talaadadii, kuwa kalana waxa ay ku jiraan xarumaha caafimaadka, iyaga oo baxnaaniye qarabadooda ay jecelyihiin ee ay soo gaareen dhaawacyada halista ah.

Cabdiraxmaan, (ma ahan magaciisa dhabta ah), waxa uu laba walaalihiis ah ku waayay weerarkaas, oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux, balse intaas oo kaliya walwalku uguma eka. Wuxuu isbitaalka kula jiraa afar kale oo walaalihiis oo ku dhaawacmay qaraxyada.

“Qoyskeena waxaa nagu dhacday qaddar Alle,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qaar kamid ah walaalihiis ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata, qolka lagula tacaalo bukaanada ku jira xaaladaha daran ayuu sheegay in haatan lagu baxnaaninayo qaarkood.

“Weli xaaladdooda culus tahay,” ayuu yiri, balse wuxuu sheegay in uu ku niyadsan yahay in laba walaalihiis uu xaalkoodu soo roonaanayo.

Marka uu qaraxu haleelayay ayay ku sugnaayeen xaruntooda gacnacsi oo ku taalla halka ay qaraxyada ugu badani ka dhaceen, sida ay sheegeen ehellada dhibanayaasha.

“Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga,” ayuu u sheegay warbaahinta gudoomiye ku-xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo goobta ay wax ka dhaceen booqasho ku tagay.

“Shan ilaa lix goobood ayaa khasaaruhu gaareen oo u badan kuwa electarooniga. Dabcan waxay u muuqataa amase aan ognahay inay yihiin kooxdaha argagxisada ah ee ganacstada handadaya si ay baad uga qadaan. Waxay maalmihii danbe u soo dirayeen fariimo, balse dadkani waxay ahaayeen kuwii iska diiday inay baad bixiyaan. Walina baaritaan ayaa socda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Yabooh.

Suuqa Bakaaraha ayaan ahayn mid caan ku ah weerar sidii kii Talaadadii lala beegsaday ah oo ka dhaca. Dadka ka faallooda amniga yaaa ku tilmaamay mid ugub ah oo ay saameyn ku leedahay dagaalka ay dawladda Soomaaliya kula jirto ururka Al-Shabaab.

Goobjooge kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in Jahwareer uu ku jiray in muddo ah itii ay qaraxyadu dhacayeen.

“Markaan arkay dad waddada dhinaceeda yaala oo qaraxii ku dhacay, naxdin xoog leh ayay igu abuurtay. Dhawr mar ayay qaraxyadu naga dul dhaceen,” ayuu yiri goobjoogaha.

“Wax qalalaase ah oo Meesha ka jiray majirin cabsi aan wajahaynayna majirin balse wax waliba si dhaqsa ah ayey isku bedeleen waliba.”

Labada walaal ee uu wayay Cabdiraxmaan ayaa ahaa dhallinyaro curdun ah oo mustaqbalka hami wayn ka lahaa.

“Walaalehey labadaba malahayn xaasas, mana jiraan carruur ay ka tageen, waxa ay ahaayeen dhallinyaro ganacsato ah oo ay noloshuba u cusubtahay,” ayuu yiri.

Xilliga ay musiibadu dhacaysay ayuu sheegay in ganacsiga suuqa uu si caadi ah u socday, dhallinyaraduna ay hal meel kuwada sugnaayeen.

Tacsida ayaan ku koobnayn Cabdiraxmaan iyo qoyskiisa oo kaliya.

Qoysas iyo saaxiibo ayaa baraha bulshada ku daabacay sawirrada dhowr dhallinyaro ah oo la sheegay in ay kamid yihiin dhakhtiir iyo arday, kuwaas oo la sheegay in ay kamid ahaayeen dadkii ku wax yeelloobay qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha.

Isbitaallada kala duwan ee ka howlgala gudaha caasimadda ayaa iyana la geeyay dhaawacyo, mid kamida xarumaha caafimaadka ayaa u sheegay warbaahinta in qaabileen ilaa 20 ruux oo dhaawac ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan, balse dawladda Soomaaliya waxay ku eedeysay ururka Al-Shabaab.

Isha: BBC