Loolanka doorashada ee Galmudug: Caqabadaha iyo fursadaha musharaxiinta

Kani waa maqaal si qotadheer u faaqidaya doorashada Galmudug ka dhici doonta xilligii ay isku waafaqaan madaxweyne Xasan Shiikh iyo madaxweyne Ahmed Qoorqoor.

Aan si eex la’aan ah mid-mid ugu dul-istaagno 5-ta musharax ee ilaa iminka suuqa doorashada iskeentay – waxayna kala yihiin:

1. Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
2. Dr. Max’ed Adam Jimcaale (Koofi)
3. Liibaan Axmed Xasan (Liban Shuluq)
4. Mahad Maxamed Salaad (Maahir)
5. Cabdiraxman Max’med Xuseen (Odawaa).

Mid-kasta furadaha uu heeysto iyo caqabadaha ku gadaaman oo aan idinla wadaago ku soo dhawaada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)

Qoorqoor, Wiil ganacsade dhalay, ganacsi lagu soo barbaariyay, Jabhad, ganacsade, maareeye dekedda Muqdisho, wasiir federaal ah iyo madaxweyne Galmudug ah ayay taariikhdiisu u dhexeeysaa.

Shaqsi ahaan waxaan bartay 1992 oo aan xaafadda Ceymiska daris ku aheeyn reer Qoorqoor.

Nin dadaal badan, Habeenkii shaqeeya, maalin-kiina la helo, hadba midabkii uu doono yeelan kara, dantiisa u seex-seexan kara, kasban kara dadka, qaar la dagaali kara, qaar qosol ku dabari kara, Fikir uu adduun ku gaari karo aanu dadaal la’aan ku dhaafeeyn, waayo-aragnimo iyo hoggaamin dabiici ah leh – QABIIL DHANNA KALIGIIS KA QOSLA.

FURSADDAHA UU HEEYSTO

1. Inuu hadda kursiga ku fadhiyo, taas oo u saamaxeeysa inuu habsami-u-socodka doorashada isagu hoggaamiyo ama ugu yaraan kaalin ku yeesho.

2. Waxqabad la wada qirsanyahay aadna loola tacajabay oo uu qabtay muddadii uu joogay Galmudug.

3. Inuu mideeyay casnhuurta iyo dakhliga Galmudug

4. Inuu degmo-kasta gole deegaan u dhisay.

5. Inaanu laheeyn cadow muuqda oo beegsi oo dagaal kula jira qarixii Laasgacameey kadib.

6. Xiriir aan xumeeyn ayaa kala dhexeeyaya dowladda federaalka ah

7. Fursaddiisa dib-udoorashada oo kor u kacday wixii ka danbeeyay markii dib loo soo doortay Saciid Deni.

8. Hadda waa ninka ugu fursadda roon inta tartameeysa haddaan wax isbeddelin, wuxuuna isbaheysi xooggan la leeyahay ugu yaraan hal musharax oo culus.

9. Waa nin si dabiici ah waayo-arag siyaasadeed ugu ah doorashooyinka, dhaqaale heysta, ama heli kara, wuxuuna ka dhex macaashi karaa is-diidooyinka iyo is-xinka musharixiinta kale.

10. Waa shaqsiga kali ah ee soomaaliyeed ee ka run sheegay halkudhiggii uu doorashada ku galay ee ahaa “Waayeel isku wadi kara”

11. Beesha uu ka dhashay ee Saleebaan oo xataa kuwa isaga mucaaradsan isaga ayaa ah kan ugu miisaanka culus, kaftan iyo gorgortanna Saleebaanku kama galaan hoggaamintiisa siyaasadeed ee Galmudug caadi ahaanna Saleebaanka waxaa lagu tilmaamaa beel taladeedu aruursantahay.

CAQABADAHA HORYAALLA

1. Caqabadda ugu weeyn ee hortaalla Qoorqoor waa inaanu jirin cid aamineeysa, wixii ka danbeeyay markii uu dhabarka ka jabiyay madaxweynihii iyo Ra’isalwasaarihii isaga soo dhistay ee dakanada siyaasadeed u soo galay – intaas kuma aanu ekeeyn ee saddex wareeg-doorasho oo habeenkii 15 May 2022 lagu galay teendhada afisyooni, hal wareeg oo kamid ah xataa kuma soo leexan dhanka madaxweynihii naftiisa u soo bixiyay ee Farmaajo – wayna adkaan doontaa inuu helo hoggaamiye danbe oo aamina – wuuse leeyahay xirfad uu ku kasbado.

2. Dowladda jirta oo sida muuqata aan isaga wadan.

3. Hoggaamiyayaasha mucaaradka midkoodna ma wato sida la qiyaasi karo (wax-se dib waa iska beddeli karaan).

4. Wuxuu ku guuldareeystay inuu xal u helo dagaalka soo noq-noqday ee beeshiisa kala dhexeeya inta badan beelaha kale ee Galmudug mararka qaarna gaadiidkiisa in ay qeyb ka yihiin ayaaba la far-muuqaa.

5. Musharax kale oo beeshiisa ah ayaa is sharaxay [Odawaa] waana culeys horleh oo kusoo kordhay.

6. Waxaa lagu tilmaamaa nin ku istimtaaca/raaxeeysta/nafis ku hela.inuu ciqaab daran marsiiyo qofkii dan kursi la xariirta ka soo yeesha iyo inuu yahay nin aanay waxba ka dhammaan xataa hadduu kula rabo waxaas uuna awoodo inuu inta ishu is qabato kuugu sameeyo oo jecel in Fahad Xabeeb loo wada noqdo.

7. Ma heeysto gole wasiiro oo wax kusoo kordhin kara ololihiisa doorashada oo xataa wasiiru-dowlaha xafiiskiisa ayaa musharax kale madaxa ololaha u ah.

8. Dadka xanta waxay ku sheegaan nin aakhirka wixiisa is-iibsan doona aniguse kuma jiro dadka taas oo aaminsan oo waxaan-ba aaminsanahay inuu yagleeli doono xisbi weeyn oo heer federaal ah.

La soco musharaxa xiga, musharexee jeclaan laheeyd inaan maqaalka xiga lagu soo qaato?.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)
Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.