Danjire Awliyo oo afka furtay farriin culusna u diray beelaha Dir iyo Mareexaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Senegal Maxamed Xuseen Awliyo oo baaq nabadeed ka soo saaray colaad ka taagan Galgaduud ayaa afka furtay.

Danjire Awliyo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligaan ay Galgaduud ku dagaalamayaan beesha uu ka dhashay ee Dir iyo beesha Mareexaan oo kala dega Caabudwaaq iyo Xeraale.

Wuxuu sheegay in reer Caabudwaaq ay ku tilmaamanyihiin wadaniyiinta ay Soomaali ku dayato, halka beesha Dir ay ku tilmaaman tahay diinta, maadaama ay ka dhasheen mashaa’ikh waaweyn oo laga ciseeyo Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhexe.

“Caabudwaaq waxaa ka soo jeeda dad qiimo badan oo hoggaan u soo noqday Soomaaliya oo la yaqaano wadaniyadooda, in maanta wiil yar oo reer Miyi ah uu dagaal geliyo oo dad kale u soo dilo suurtagal maaha, sidoo kale in wiilkaas uu waayo cid ceshata maba dhici karto,” ayuu yiri Amb. Awliyo.

Awliyo, ayaa sheegay in wax la isku dilo aysan maanta oolin inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo Xeraale, isagoo waxgaradka labada beelood ka codsaday in colaadaan ay deg deg u joojiyaan oo maleeshiyaadka kala qabtaan.

“Dhinaca kale gobollada dhexe markii la joogo Dir waxaa ka dhalatay oo lagu ciseyn jiray raacashada diinta islaamka, culimo waaweyn ayaa ka dhalatay, Fiqi Xasan, Sheekh Ibraahim, Sheekh Yuusuf Direed, diinta ayey dadka ugu tali jireen, aaway caalimiintii reer Sheekh Salaad, dadkii uu ka dhashay Yuusuf Dhegabadan, labada dhinacba waxaan ka codsanayaa nabadda inay u istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Awliyo.

Waxgaradka labada beelood ayuu Awliyo ugu baaqay in dhiiga daadanaya aysan sii dhowran, “walaalayaal wax la isku dilo meeshaas ma yaalaan, dhulkaan waa dayacan yahay waana idinka badan yahay ee iimaanku ha idin soo galo, diinta islaamkana ku dhaqma,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Awliyo ayaa aad ugu mahadceliyey culimo ka tirsan Ahlusunna oo isku howlay joojinta colaadaas, kuwaas oo ka kala yimid, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Guriceel iyo Xeraale, culimadaasi oo magacyadooda uu mid mid u sheegay ayuu sheegay inay qaateen doorkoodii joojinta colaadaas.

“Walaalaha Xeraale iyo Caabudwaaq waxaan leeyahay war dalka waxa ka socda miyaadnaan ogeyn, wiilka maanta micna darada idinkaga dhimanaya, waxay aheyd in Soomaali Galbeed uu cadowga ka xoreeyo oo dhulka la qaadanayo uu difaaco,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyo Safiir hore Awliyo.