Luis Nani oo sheegay inuusan ogeyn inuu sii joogayo Man United iyo in kale.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Manchester United Luis Nani ayaan fikir ka heysan hadii uu kooxda kusii nagaanayo iyo hadii kale – wuxuuna sheegay in Allah uu ka warhaayo halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo aadan.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaan saameyn buuxda sanadaan ku yeelan kooxda, wuxuuna keliya ku bilawday shan kulan 12 kulan oo ay ciyaartay kooxdiisa United.

Waxaa lala xiriirinayaa kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus balse wuxuu sheegay inuusan ka war heyn halka uu yaalo mustaqbalkiisu.

“Keliya Allah [Waa Allah uu isugu rumeysan yahay] ayaa og halka uu mustaqbalkeygu yaalo,” ayuu u sheegay majalada The Sun.

“Xaaladeydu aad ayey u wanaagsan tahay — jir ahaan wax fiican ayaan dareemayaa.

“Waan hubaa inaan ahay Nani-gii hore.”

Nani ayaa kasoo baxay kursiga keydka isagoo qeybtii labaad bedelay Shinji Kagawa kulankii talaadada ay kooxdiisu 3-2 ku garaacday Sporting Braga ee Champions League.

25 jirkaan ayaa United kusoo biiray lix sano ka hor markaasoo lagu soo iibsaday aduun dhan 14 milyan oo ginni waxaana ku adkaatay inuu helo booskiisa ka dib markii ay kooxda kusoo biireen ciyaartoy cusub.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.