Ma Oromaa Tigree dhaanto?

Dunnida aan ku noolnahay Damac-shisheeye kama dhamaado. Aadanaha wuxuu isdheer yahay garashada iyo dadaalka. Adduunka maanta waa sidii maqsin quraa oo kale; wixii galbeedka ka dhaco, Bariga durbadiiba waa gaaraa! Maanta ma ahan maalinkii dhag kaliya shacabka wax ka maqli jireen, maanta ma ahan maalinkii garashada dhami shaqsi gaar ah loo nisbeyn jiray “ Aabihii Garashada” “Guulwadoow”!

Waxaa xaqiiq ah in Gobolkeena uu isbedel ka dhacay, laakiin in badan oo inaga mid ah aywaaga la-noolyihiin riyooyinkii qayaaliga ahaa. Kuwaa waxaba ka daran kuwa doonayo inay maanta soo jeedka ku riyoodaan. Riyooyinkaas waxaa ugu qosolka badan; Adigoo gabay mas’uuliyadii gaarka kuu aheyd inaad ka guul sheegato hoolaan laguu idman. “ Nabbadgalyada Geeska Afrika”!

Aduunka qorshaa lagu meel maraa. Culumada Bulshada waxeey yiraahdiin” hadaad bilaa qorsha tahay ogoow qorsho Duul kale dejistay ayaad ku hoos jirtaa” sida muuqato Damacii Ethiopia isma bedelin ee hogaankii uunbaa isbedelay. Abiy Ahmed wuxuu ku shaqeeya qorsho qoran, wuxuu miisaan wax ku saara; Danta Dalkiisa. Wanaagiisa waa mid u gaar ah Dalkiisa. Inuu hogaankeen u dhoola cadeeyo kama tarjumeyso ineey dhagartii suushay.

Waxaa ii muuqato maanta In Ethiopia ee ku jirto casri dahabi ah, sababtoo ah hamigii ahaa dhul iyo Dadba boob ayaa u rumoobi rabo. Waxeey maanta heesataa kuwa shaarka ka Soomaali ah, laakiin quluubta ka Ethiopian ah. Maanta waxaa Dalkeena ka jirto; Waddaniyad afka baarkeed ah. Duufaanta socoto waa mida inaga qaaday garashadii aheyd; Xigto iyo xigaal. Masalan, Eritrea iyo Djibouti yaa xigto ah?

Iskusoo wada xeeri;

Dalkeena maanta hiilo ayuu rabbaa. Ogoow damaca shisheeyaha ma yaqaan xigto iyo xigaal. Waxaan kusoo koobayaa biyo inteysan kusoo gaarin ayaa leyska moosaa!

W/Q:Abdullahi Mahdi
#MadashaKulmiye
#OgaalAragFog

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid