Ma tahay Soomaali? Hubaal, waxaad tahay qofka ugu liita dunida! (Ha xanaaqin ee ogow sababta)

Joogso! Nabigaagana ku Sali, waxba heyla dagaalin, hana caroonin. Waan ogahay inaadan dulqaad badan lahayn oo aad Soomaali tahay. Bal adigoo miyirqaba qoraalkeyga hoos u raac. Waan la socdaa inaadan jecleyn wax aqrinta, kuguna adagtahay inaad dhameyso qoraal aad aqrintiisa bilowday, sidaas darteed aniga hey eedin. Balse hadaad qoraalkan dhameysato, garashana kugu harsantahay waan hubaa inaad ila garawsan doonto in aniga iyo adigaba aanu nahay dadka ugu liita dunida.

Soomaali baad tahay sababtoo ah adigoo og dhibaatada ka jirta dalkaaga sida: dagaalada, burburka, barakaca, gaajada, cudurada iyo kala qeybsanaanta. Hadana waad hurudaa oo lurba kuma hayo, waadna isla qab weyn tahay oo waxaad isku heysataa qof heybad sare leh. Weyna adagtahay inaad aqbasho inaad tahay qofka ugu liita maanta ee aan dunida ku lahayn sharaf, magac, muuq iyo mansab, ee isagoo hal qowmiyad ah qabyaalad darteed kun u kala qeybsan, kaaga darane tallo iyo towfiiq aan ku heshiin karin!

Soomaali baad tahay sababtoo ah waxaad xoog u leedahay daadinta dhiiga walaalkaa ama walaashaa, kamana xishootid ee waad ku faantaa. Kaaga darane, waad yastaa dadkaaga sida dhaqaatiirta iyo aqoonyahanada Soomaalida, oo waxaad qiimo badan u heysaa kuwa shisheeye ood aaminsan tahay in cilmi iyo caqliba loo dhameeyey!

Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad maqasho baddii iyo barigii Soomaaliya waala qaatay, waad laabkacdaa, waxaana ku qaada qiiro oo adigoo faruuryo qaniinsanaya ayaad ku catowdaa “Tol-Beeley”, waxaadna aflagaado hawada u marisaa dowladaha dariska ee isku tashaday, madaxda dalkaagana ku asteysaa inay dalkii iibsadeen!

Soomaali baad tahay sababtoo ah waxyar dabadeed, waabad iska ilowdaa wax kastoo dhacay oo waxaad ku mashquushaa danahaaga iyo kan qoyskaaga. Maalmaha fasaxana waxaad horey u qaadataa calanka maamulka beeshaada, oo adigoo xadreysan ayaad beesha heeso iyo suugaan u tirisaa!

Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad la joogto dadka aan kugu qabiilka ahayn, waxaad ku celcelisaa inaad tahay qof Soomaalida u siman tahay oo qabyaalada neceb waddanina ah. Hadana qalbigaaga waxaa ka buuxa xiqdi iyo qabyaalad gaamurtay, shirarka reerkana waxaad ku calaacashaa in beeshu meesha ka kacdo, odoyada, haweenka iyo dhalinyaraduna ku guubaabisaa inay iska kaashadaan danaha beesha, si beeshu u muuqato!

Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad maqasho in doorasho ka dhaceyso dalka, waxaad meelaha la wareegtaa amaanta qofka u sharaxan beeshaada, kuna sheegtaa halgame waddani ah oo mudan in la doorto. Ku darsoo, markii wasiiro la magacaabo ama guddiyo la sameeyo waxaad durba website-yada ka fiirisaa qabiiladooda, waxaadna jagooyinka sare ka raadisaa wax beeshaada u dhashay adigoon isweydiin xirfada, aqoonta iyo dadnimadooda!

Soomaali baad tahay sababtoo ah haddii xil laguu dhiibo waxaad dhisataa daaro dhaadheer, hantida umada gaajeysana waad ku takri fashaa, eex iyo ilmo adeersina hoy baad u noqotaa. Kuna darsoo, markii xilka waqtigiisa dhamaado ama lagaa qaadana waxaad mucaarad ku noqotaa dowlada, madaxdaadana ku sheegtaa inay yihiin calooshood u shaqeystayaal dibada laga maamulo!

Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad damacdo inaad website-yada aqriso, waxaad ku hormartaa kuwa beeshaada, waxaadna ku xijisaa kuwa had iyo gooraale qora wararka colaada ah, isku dirka iyo jaa’ifada madaxda ama dadyowga kale.

Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad aqriso ama laguu sheego warbixin warbaahinta laga sii daayey adigoon waxba hubsan ayaad la jidbootaa, waxaana goobaha la shirtagtaa wariye hebel baa sheegay ama website hebel baa qoray, waxaadna jaa’ifeysaa dad aan waxba kuu dhibin. Maba ogid in weriye hebel uu yahay adigoo kale, qabyaaladuna ku weyntahay, kaaga darane inuu magac iyo manfac helo darteed waxkasta u sameyn karo!

Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad aragto wadamada hormaray ood garawsato in dadkooda aysan lahayn qabiilo ee ay ku mideysan yihiin wadaniyad, waxaad isku sheegtaa in Soomaalida aysan caqli badan lahayn oo aysan ku waana qaadan waxii dhibaato lasoo maray, kuna dayan dadyowga kale. Waxaadna iska dhaadhicisaa in haddii hogaamiye fiican oo waddani ah jiri lahaa laga bixi lahaa dhibka. Nasiib daro waxaad ilowdaa in hogaamiye kasto oo yimaada aad ku qiimeyso qabiilkiisa, hadduu kugu qolo yahayna aad sacabka u garaacdo, haddii aanu ahayna aad caqabad ku noqoto si toosa ama si dadban!

Isku soo wada duub, intaas iyo in ka badan oon tiro laheynba waa astaan kuu gooniya. Mana garawsatid gefkaaga oo waxaad isku heysataa inaad dadka ugu saxantahay, lagaana heybeysto. Hana ku fekerin inaad isbadasho sababtoo ah maba kaa dhaadheceyso, hadaad garwaaqsatana markey ugu badato maalin ama laba ayaad iscelcelinaysaa kadibna godkaagii ayaad ku dhici doontaa

Waxaa qoray: Abdullah Kullane
kala xiriir:  
kullane46@gmail.com