Xog: Gaas oo diiday qorshe uu u bandhigay CCC

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in habeenimadii xalay halkaasi uu ka dhacay shirar xasaasi ah oo u dhexeeyay Ra’isul wasaare Cumar iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas.

Kulanka ayaa waxa uu ku qotomay xal u helida xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana lasoo warinayaa in Cumar C/rashiid uu Gaas usoo bandhigay qaabka lagu gaari karo xalka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Madaxweyne Gaas ka dalbaday in Ciidamadiisa uu kala soo boxo jiida dagaalka si xal looga gaaro colaada taagan, balse Gaas ayaa diiday soo jeedinta Ra’isul wasaaraha.

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu sidoo kale C/weli Gaas ugu baaqay inuu dib uga laabto Jidka 130mitir oo uu dagaalka ka bilowday, waxa uuna cadeeyay Ra’isul wasaaraha in dhulkaasi amaba jidkaasi uu xigo dhanka Galmudug, islamarkaana ay DFS khalad u aragto in Puntland ay dagaal u gasho.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa C/weli Gaas ku booriyay inuu ka gaabiyo wax waliba oo dib u dhigi kara horumarka Maamulka si looga badbaado dagaal soo laalaabta.

Madaxweyne Gaas ayaa lasoo warinayaa in si bareer ah uu u diiday baaqa uu usoo jeediyay Ra’isul wasaare Cumar.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Cumar ayaa lagu wadaa in kulan degdeg ah uu la qaato Odayaasha Maamulka Puntland si uu ugu gudbiyo amar diidada Gaas uu ku sameeyay, islamarkaana uu Odayaasha kala hadli doono sida lagu xalin lahaa Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com