Xog: Safarka CC ee Puntland oo dab iyo bansiin kusii noqday dagaalkii Galmudug iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu burburay waan waantii laga dhexwaday maamulada Galmudug iyo Gaalkacyo.

Mid kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda deegaanada Puntland qeybna ka ahaa Odayaasha waan waanta waday ayaa goordhow saxaafada u sheegay inay burburtay waan waantii laga dhexwaday labada dhinac.

Nabadoonkaan oo lagu magacaabo Raage Maxamuud Gaani, ayaa sheegay inuu bur buray heshiiskii laysugu keenayay labada dhinac, kadib markii sida uu sheegay Odayaashii ka socday dhanka Galmudug ay ka baaqdeen kulan lagu balansanaa.

Maxamuud Gaani, waxa uu sheegay in Odayaasha Galmudug ay xiriir lasoo sameeyeen odayaasha Puntland islamarkaana ay si cad ugu sheegeen inay waan waantii dhankooda ay ka wadeen ay ka baxeen.

Nabadoon Raage Maxamuud Gaani ayaa yiri ”Waan waan waa wadnay maalmahaan waxaan dawladda ka codsanay inaan anaga arrinka galno mudo waa nala sugayay sidaad ogtihiin wali wakhtiga dhowr jeer ayaa korarsanay intaasna waxaa sidaas u samaynaynay waxaa ay ahayd in nabad la helo walaalaheena Galmudug ayaana ka baxay nabadii aan wadnay”.

Nabadoonka ayaa sheegay in shir ay la yeesheen dhanka Mas’uuliyiinta Puntland ee Gaalkacyo jooga ay gacanta ka galiyeen hawshii magaalada ayna u sheegeen inay kusoo guul daraysteen hawlihii nabadaynta oo maalmaha ay ku mashquulsanaayeen.

Burburka wada hadalka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Magaalada Garoowe uu Habeenimadii xalay ku hoyday Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ma cadda qaabka uu Ra’isul wasaaraha doonaayo inuu u xaliyo Khilaafkaani, waxaana suuragal ah inuu isku soo dhaweeyo labada dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com