CC oo rajo xun muujiyay iyo 4 qodob oo uu soo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Cumar uu soo bandhigay qodobada uu ka duulaayo inta uu ku guda jiro xalinta Dagaalka ka dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar oo qorshihiisa ka hadlay ayaa sheegay inay u muuqato ifafaalooyin muujinkara in xal hordhac ah laga gaaro Dagaalka waxa uuna tilmaamay inay lama huraan tahay in labada dhinac ay gunta u xirtaan sidii carruurtooda looga badbaadin lahaa cawaaqibta dagaalka ka dhalankarta.

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu sheegay in Ujeedka uu xalintaasi ka leeyahay uu u mari doono ilaa iyo 4 qodob, haddii uu ku guul dareystana uu arrintaasi u gudbin doono Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Qodobada uu Ra’isul wasaare Cumar sheegay inuu cuskanaayo ayaa waxaa kamid ah:-

1- Sidii loo damin lahaa colaada haddii ay tahay adeegsiga Hubka ama afka.

2-Sidii loo baabi’in lahaa duruufaha keeni kara dagaalka , ciidankana lagu kala qaadi lahaa.

3-Sidii loo soo celin lahaa dadkii ka qaxay Gaalkacyo.

4-In la sameeyo guddi ka shaqeeya xalinta wixii dhacay, kana shaqeeya xal guud oo la helo.

Waxa uu Ra’isul wasaaraha sheegay in durbadiiba uu la kulmaayo culeysyo ka heysta dhanka labada maamul oo midba midka kale ku xaaraya howsha.

Rajo aan leysku haleyn karin ayuu ka muujiyay kulamada uu hadda la qaadanaayo dhanka Maamulka Puntland, inkastoo garabka kale ay iyaguna yihiin kuwo diidan.

Lama saadaalinkaro guusha iyo guul darada uu Ra’isul wasaare Cumar kala soo hoyan doono dhanka labada maamul, walow sheekadu ay tahay Baroortu orgayga ka weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com