Xaaladda GAALKACYO oo kacsan iyo cabsi jirta!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dhawaaqa rasaas goosgoos ah oo ay isweydaarsanayaan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa laga maqlayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo lagaa baaqayo dagaalo maanta oo Sabti ah ka dhaca magaalada.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac isku horfadhiyaan agagaarka saldhiga Miira oo ku yaala galbeedka magaalada, waxayna xalay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Waxaa la sheegayaa in iminka Rasaas xoogan laga maqlayo magaalada oo ay isweydaarsanayaan ciidamadii isku horfadhiyay magaalada Gaalkacyo.

Labada ciidan ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxay ridayaan rasaas goosgoos ah, waxaana jirta baqdin xoogan oo ku aadan in dagaalo kale ka dhacaan magaalada.

Nabadoonada kasoo jeeda Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in fashil ku yimid wadahadalkii u dhaxeeyay odayaasha labada dhinac, oo ay sabab u ahaayeen dhanka odayaasha Galmudug, sida ay sheegeen.

Cumar C.rashiid Cali, ra’iisul wasaaraha dalka oo shalay tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe ayaa doonaya in hal siyaasadeed laga gaaro dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com