Ma runbaa in Ahlu-Suna ay la safatay Puntland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Ahlu-Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe, Xasan Gaboobe oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in maamulkooda uu dagaalka Gaalkacyo ku garabsiinaayo Puntland.

Xasan Gaboobe ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in laga been abuurto Maamulka Gobollada Dhexe waxa uuna cadeeyay in xiisada ka taagan Gaalkacyo aysan lug ku laheyn.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax dan ah oo ugu jirta in ay ka qeyb qaataan xiisadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo, isaga oo dhanka kale sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid salka ku hayo dhul ballaarsi ay wadaan labada maamul.

Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeyntaasi bedelkeeda ay ku baaqayaan in la hakiyo colaada sii daba-dheeraaneysa si ay nafis u helaan shacabka ku hoos nool labada maamul.

Mr Xassan Gaboobe ayaa DFS ugu baaqay in si degdeg ah ay ku xaliso dagaalka ka dhex curtay labada maamul ee deriska ah, waxa uuna ka digay in colaadaasi dusha loo saaro maamulada kale ee aan ku lug laheyn dagaalka socda.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo saacadihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in maamulkooda Puntland ay ka taageerayaan la dagaalanka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com