Video: Qaylo Dhaan oo soo saaray hees qiiro leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Qaylo dhaan oo fadhigooda yahay magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa soo saaray hees xambaarsan qiiro waddani oo lagu wacyi gelinayo shacabka Soomaaliyeed. Heestan oo uu miraheeda sameeyay Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa ah hees kicineysa dareenkaada waddaniyeed marka aad dhegeysato.

Miraha heesta ayaa waxaa ka mid ah “Soomaaliyeey warhooy haddaad beri wacneyd waddan jirana ahayd, dunida la weyneed. Calankuna walalac lahaa wadajirkii iyo mid nimadii war baa galaye ma ogtihiin.”

Heestan ayaa xanbaarsan dhanbaal ku socda shacabka Soomaaliyeed ee la isugu daray gummaad, boob, dhac iyo musuqmaasuq baahay. Sidii aay isaga qaban lahaayeen xukuumadda Xasan Sheekh iyo xulafadiida.

“War yaa Soomaaliya, war yaa dalka u maqan, war yaa dadka xukuma oo cadawga ka jira.

Waxaa caawa ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska xaflad loogu magac daray Xoriyadda Saxaafadaa oo kooxda Qeylo dhaan aay ku soo bandhigi doonaan heeso badan oo waddani ah, kuwaasoo xambaarsan kana tarjumi doona xaaladda uu dalka marayo maanta.

Daawasho Wacan