Odawaa oo ay caqabad ka heysato GAALKACYO

Muqdisho Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Somalia, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa”, ayaa lagu soo waramayaa in jahwareer uu ka heysto xalinta Colaadaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Odawaa oo dhawaan socdaal shaqo ku gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa uu maamulkaasi kala kulmay caqabad dhanka wasaaradiisa loo tiiriyay.

Odawaa oo madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ka dalbaday in arrinta Gaalkacyo ka taagan loo xilsaaro gudiyo kale ayaa waxa uu sabab uga dhigay kadib markii Puntland ay ku eedeeysay inuu u janjeero hal dhinac.

Puntland ayaa Odawaa ka diiday inuu xaliyo arrimaha Maamulka ka dhexeeya iyo tan kala dhexeeysa maamulada kale, sababo la xiriira ka gaabinta howlaha la xiriira wasaaradiisa.

Maamulka Puntland ayaa si aad ah kaga soo horjeeda Siyaasada Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa” uu ku maamulaayo Wasaarada arrimaha Gudaha, waxaana hadda lasoo warinayaa inuu ka gaabiyay ka hadalka xiisada ka taagan Gaalkacyo si aan hal dhinac loogu badin Siyaasadiisa.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu Madaxweynaha Jamhuuriyada uga digay in arrimaha ka taagan Gaalkacyo xalinteeda uu usoo wakiisho Odawaa.

C/weli Gaas ayaa si cad Madaxweyne Xassan ugu sheegay in Odawaa uusan xiligaani ka bixi karin xal u raadinta xiisada Gaalkacyo, waxa uuna dalbaday in gudiyo kale loo raadiyo xalinta.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa ku gacanseeray xasilinta xaalada Gaalkacyo waxa ayna xujo ka dhigeen in marka hore Ciidamada Galmudug dib looga saaro halka ay hadda ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com