CC oo ka baaqday Gaalkacyo, u cararay XAMAR

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Crashiid Cali ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo, kadib markii dagaalo xoogan ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la qorsheynayay inuu magaalada kula kulmo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug si uu kagala hadlo dhameynta colaadaha ka dhacayay magaalada, laakiin taasi ma aysan dhicin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo kulamo kala duwan lasoo qaatay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana ugu badan ee uu kala hadlay arimaha dagaalada iyo dhameyntooda

Dhanka kale waxaa xaalad ka degen sidii saaka laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay saaka ku dagaalameen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka saaka ayaa sababay dhimashada sideed ruux oo rayid u badan iyo dhaawaca intaasi ka badan oo la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Maamulada labada dhinac ayaa saraakiil u hadashay waxay kala sheegteen guulo ay ka gaareen dagaaladii maanta ka dhacay magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com