Gal-Mudug oo ka hadashay dagaalkii Gaalkacyo eedeyna u jeedisay maamulka Cabdi Weli Gaas

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo sababay dhimashada 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, ayaa sheegay in dagaalka maanta uu ahaa mid lagu soo qaaday ciidamada maamulka Galmuudg, ayna ka dambeeyeen ciidamada maamulka Puntland, sida uu sheegay Maxamed Xaashi.

Dagaalka ayaa wuxuu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad badan oo deegaanka ku sugnaa kuwaasi oo xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

“Annaga saaka waxaan diyaar u aheyn inaan aadno magaalada Gaalkacyo oo madaxweynaha Galmudug uu tago magaalada, halkaana uu kula kulmo Cumar C/rashiid, balse ma aysan dhicin oo ciidamadeena ayaa lasoo weeraray, sababtoo ah Galmudug wax weerar ah maysan qaadin”ayuu yiri Maxamed Xaashi.

Waxyaabaha sababa dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ayuu u aadeeyay dhismaha waddada Puntland dooneysa iney ka dhisto magaalada Gaalkacyo iyo dadka oo siyaabo kale u fasiranaya nidaamka federaalka ee lagu dhisay maamulka Galmudug.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaaladii maanta markale ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com