Warar ka cusub khasaaraha dagaalka Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalka saaka ka bilowday magaalada Gaalkacyo ayaa ku waramaya in dagaalkii wali ka socdo banaanka magaalada khasaaruhuna uu sii kordhayo.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa kusoo waramaysa in maanta ay gacanta ku dhigeen Meydadka 22 ruux kuwaasi oo dhaawac ahaan ugu dhintay Isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Dhaawaca iminka ku jira Isbitaalada oo wali laga daad-gureynaayo goobaha dagaalka ayaa waxaa lasoo warinayaa inay gaaren 16 kuwaasi oo isugu jira dad shacab iyo Ciidamo.

Dagaalka oo markii hore ku bilowday madaafiic la isweydaarsaday ayaad dib ka kuleelaaday.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo goordhow ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in Galmudug ay iska celin doonto cid kasta kasoo horjeeda aayaha maamulka.

Waxa uu ku taliyay in Puntland ay dhankeeda ka joojiso dagaalka haddii ay sii wadana ay dhankooda kawadi doonaan.

Dhanka kale, Dagaalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay ka dhex baxeen Odayaashii labada dhinac ee dhex dhexaadinaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com