Sawirro: Madaafiicdii lala dhacay GAALKACYO iyo wasiiro ku wahajan magaalada + Xog cusub

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sii kordhay kadib markii hub cul culus is weydaarsadeen dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo ee Puntland  iyo Galmudug.

Sawiro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya madaafiic lala dhacay magaalada iyo kooca oo kor u baxaya, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka maanta ku dhimatay 10 ruux halka ku dhawaad 30 ruux ku dhaawacmeen dagaalkii maanta.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo Mahad Maxamed Salaad ku wajahan yihiin magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta sheegay in wasiiro wafdigiisa kamid ahaa ay sii wadayaan dhex dhexaadinta maamulada Puntland iyo Galmudug oo markii labaad ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka daawo sawirada

Gaal-1 Gaal-2 Gaal-3 Gaalkacyo-11 Gaal-2 Gaalkacyo-5 Gaalkacyo-11