Guuleed oo fariin adag u diray Cabdi Welli Gaas

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland oo uu sheegay inuusan diyaar u aheyn nabad ka dhalata magaalada.

Cabdi Kariin Guuleed, ayaa wax laga  xumaado ku tilmaamay  dagaaladii maanta ka dhacay magaalada iyo qasaaraha ka dhashay, wuxuuna ku eedeeyay iney ka dambeeyeen dhanka maamulka Puntland oo ay soo abaabuleen dagaalkaasi.

“Maamulka Puntland ee C/welli Gaas uu horkacayo ayaa soo qaaday dagaalka maanta, oo waxay doonayaan iney ku dhiciseeyaan dadaalka dowlada federaalka Soomaaliya, waxaase ayaan daro ah inkastoo aan u mahad celineyno ra’iisul wasaaraha inuu ka laabto Gaalkacyo isaga oo aan tagin ee Muqdisho uu tagay”ayuu yiri Guuleed.

Dhanka kale wuxuu ayaandaro ku tilmaamay safarkii uu ka baaqday ra’iisul wasaaraha dalka inuu ku tago magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay iney rajeynayeen in lagu kulmo magaalada Gaalkacyo lana dhameeyo xiisada ka taagneyd magaalada.

“Waxaan isleeyahay laabashada Gaalkacyo uu ka laabtao Cumar C.rashiid, dagaalkii maanta dhacay iyo xiisada wali taagan waxaan u fasiran karnaa sida Puntland aysan u dooneynin nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri markale.

Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray maamulka Puntland isagoo dalbaday iney ka wada shaqeyaan amaanka magaalada Gaalkacyo iyo nabad ku wada noolaanshaha magaalada.

Xiisada u dhaxeyso maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sababay dagaal qasaaro geystay oo maanta markale ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com