“Maalintii Mursal uu guuray waa naxay, waayo waxaan wadnay QORSHE culus”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Soomaaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay koox xildhibaano ah dadaal ay wadeen oo la doonayay in xiisadda mooshinka lagu xaliyo.

Isaga oo ka hadlayay kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in guddoomiye Mursal uu kaga baxay balan uu horey uga qaaday oo aheyd inuu qeyb ka noqonayo xal u helidda xiisadda ka dhalatay mooshinka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in isaga iyo koox ka tirsan xildhibaanada ay ka naxeen markii guddoomiye Mursal uu ka guurey Madaxtooyada, maadaama sida uu sheegay aysan ka warheyn arintaasi.

Arin laga xumaado ayuu ku tilmaamay in xildhibaano Kooban ay meel ku heystaan sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Mursal, isaga oo ugu baaqay inuu dib ugu soo laabto madaxtooyada.

Wuxuu soo hadal qaaday in guddoonka baarlamaanka ay ka doonayaan inay dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada, maadaama sida uu sheegay iyaga ay yihiin kuwa is haya.

Ugu dambeyn wuxuu si cad u sheegay in haddii guddoonka baarlamaanka “Mursal, Mahad iyo Muudeey” ay heshiin waayaan inay qaadi doonaan Talaabo cad oo uusan sheegin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com