Villa Somalia oo shaacisay tirada ciidamada militariga Soomaaliya ee rasmiga ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inay amaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdi Siciid Muuse Cali  ayaa shaaciyay tirada ciidamada meletariga Soomaaliya ee sida saxda ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Mr Cabdi Saciid, ayaa sheegay in ciidamada maletariga Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 “Sagaal kun”oo askari, oo si sax ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka Lataliyaha ayuu ku sheegay in ciidamadaasi ay leeyihiin meelo si sax ah ay ugu dhacdo mushaaraadkooda oo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u bixiso.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka sameysay amaanka iyo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada kala duwan ay helaan tababaro dheeri ah.

Cabdi Siciid, ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com