Maamul ciidamo boolis ah oo ku wareejiyay DFS!

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Booliska ku sugnaa Magaaladaasi lagu wareejiyay DF Somalia.

Booliska lagu wareejiyay DF ayaa waxa uu u gaar ahaa Maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana la soo warinayaa inaysan hoos imaan jirin Dowlada.

Ciidamada lagu wareejiyay Dowlada ayaa ahaa kuwo u abaabulan hab qabiil waxa uuna Ujeedku yahay in Dowlada Federaalka ay qalabeyso islamarkaana ku darto Ciidamada loo sameynaayo Maamulka cusub.

Xaflad ka dhacday Magaalada Cadaado oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa looga dhawaaqay in ciidamadaan lagu wareejiyay Dowladda Dhexe.

Maxamed Xaaji Xuseen oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa madashaasi kaga dhawaaqay in laga bilaabo xiligaan wixii ka dambeeya ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ay hoostagayaan Dowladda Dhexe.

Sidoo kale, Maxamed Jimcaale Cosoble oo ah Taliyaha qaybta Gobolada dhexe ee Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda dhexe ay bixinayso xuquuqda iyo daryeelka Booliska Cadaado, wuxuuna wadashaqayn ka dalbaday maamulka iyo shacabka magaaladaasi.

Dhanka kale, Ciidanka Booliska ee lagu wareejiyay DF Somalia ayaa tiro ahaan lagu sheegay 50 askari waxaana la filayaa in dhawaan loo furo tababar lagu qarameynaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com