Odayaasha Puntland: Odawaa waa canug yar oo marin habaabinaya QARANKA waa la sika qaban

Garoowe (Caasimada Online) – Faarax Cali oo kamid ah Odayaasha Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay shirka ka socda Magaalada Cadaado iyo ficilada DF Somalia ay ku kaceyso.

Waxa uu sheegay in tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia ay shacabka Soomaaliyeed ku taamayeen sida loo hanan lahaa Dowlad cadaalad ka dhex dhalisa Umadda Soomaaliyeed balse iminka ay u muuqaneyso in Dowladii lagu xisaabtamaayay ay ku dhiiraneyso inay baalmarto sharciga dalka.

Faarax Cali waxa uu sheegay in Maamulka Puntland iyo shacabka ku hoos nool ay aad u dhibsanayaan in faragalin lagu soo sameeyo deegaanada Maamulka iyo soohdinta Maamulka uu la wadaago Maamulka loo dhisaayo Gobolada Dhexe ee Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay nasiib darro tahay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Somalia C/raxmaan Odawaa oo ku sugan madasha uu ka socdo shirka Cadaado uu raali ka yahay in faragalin ay Ergooyinka ku sameeyaan Deegaano hoostaga Maamulka Puntland.

Odawaa ayuu ku tilmaamay inuu yahay wiil da’ yar oo marin habaabinaayo Qaranka Somalia, taasi dhaliisheeduna uu leeyahay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Waxa uu sheegay in ujeedka ka dambeysay in Odawaa xilkaasi loo magacaabo ay tahay in Madaxweyne Xassan uu ka dhaadhiciyo waxa isaga u cuntamo, hayeeshee taasi ayuu ku micneeyay inay tahay mid aan haba yaraatee u cuntameynin Puntland.

Dhanka kale, Shacabka Soomaaliyeed ayuu Faarax Cali ugu baaqay inaysan qeyb ka noqon Siyaasadaha ka dhalankara shirka Cadaado ka socda iyo faragalinta ay DF Somalia ku heyso Maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com