Kenya oo qabatay nin dhaawaca oo sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in isbitaal ku yaalla Magaalada Voi lagu qabtay nin qaba dhaawac xabadeed.

Waxa uu sheegay in dhaawaca uu ahaa mid u muuqal eg rasaas ka dhalatay dagaal uu galay, waxa uuna tilmaamay in ninkaasi inta uu ku jiray isbitaalka aysan kawar qabin dowlada.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ninkan laga shakisan yahay kadib markii jawaab lagu qanco karo ka bixin waayey halka uu ku dhaawacmay, wuxuu intaas ku daray in tuhmanuhu sheegay inuu ku soo dhaawacmay dalka Koonfur Afrika arintaas oo taliyuhu ku sheegay mid aan macquul ahayn.

Taliyuhu waxa uu Saraakiisha Ciidamada Deegaanka Voi ku amray in ruuxaasi ay ka saaran Isbitaalka kuna wareejiyaan Isbitaalada Ciidamada.

Mr Joseph Boinet, ayaa amray in baaritaan xoogan lagu sameeyo ruuxaasi si wax looga qabto waa hadii uu ku lug leeyahay weerarada argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com