Xasan Sheekh: XAMAR dadka leh ayay u taallaa!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay marxaladaha ay soo martay Magaalada Xamar iyo sida looga saari lahaa dhibta ka taagan ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyada koowaad ay saaran tahay shacabka ku nool magaalada.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin shucuub kala duwan loona baahan yahay in Reer Muqdisho ay ka shaqeeyaan aayahooda si ay uga baxaan dhibta kusoo laalaabaneysa Magaalada.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in Reer Muqdisho ay ka qeybqaatan xaqiijinta amaanka Magaalada si Muqdisho ay u marti galiso shucuub ka kala socto wadamo dhowr ah islamarkaana ay u gaaran amaan iyo kala dambeyn lamid ah tan ay heystaan shucuubta kale ee caalamka ku nool.

Waxa uu soo hadal qaaday dilalka iyo falalka amni darro ee inta badan ka dhaca waxa uuna sheegay in DF ay xooga saarto sida Muqdisho ay uga dhaqan gali laheyd amni iyo kala dambeyn balse Shacabka ku dhaqan magaalada looga baahan yahay inay muujiyaan rabitaanka xasiloonida iyo nabadgalyada ay ku taamayaan, hadii taasi lawaayana ay xaaladu sii ahaaneyso mid aan dhaqaaq iyo rajaba laheyn.

Geesta kale, Ciidamada Amaanka DF Somalia ayuu ugu baaqay inay shacabka Magaalada kula dhaqmaan dhaqan wanaag si ay uga helaan garab suuragalin kara isla shaqeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com