XOG: Axmed Madoobe oo yasay la kulanka CCC!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka caga jiidaayo in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kala hadlo Khilaafka Maamulkiisa kala dhexeeya DF Somalia.

Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inuu ku qanacsan yahay in Magaalada Kismaayo uu booqasho ku yimaado Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud intii uu kala kulmi lahaa ra’iisul wasaare Cumar.

Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu ku doodaayo in inta badan wada hadalada ay la galaan Ra’isul wasaaraha dalka uu si dhaqsi ah ku burburo, halka wada hadalka Madaxweynuhuna uu yahay mid dhaqan gala wixii kasoo baxa, taasi oo sabab u noqoneyso caga jiidka uu ka muujinaayo in baahiyaha iyo Khilaafka Maamulka uu kala niqaasho Ra’isul wasaare Cumar.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo la filaayo inuu socdaal ku gaaro Magaalada Kismaayo ayaa isaguna doonaya inuu dhex dhexaad ka noqdo muranka muuqda ee ka dhextaagan Maamulka iyo DF Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar oo heeb ahaan Madaxweyne Xasan uga dhow Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu cadaadinayaa inuu soo dhageysto cabashooyinka Maamulka Jubbaland, ayada oo madaxweynaha uu ka caga jiidayo la kulanka Axmed Madoobe.

Lama oga sida Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Maamulkiisa looga dhaadhicin doono in baahiyahooda ay kala hadlaan Ra’isu wasaare Cumar, waxaana suuragal ah in Axmed Madoobe uu dib u dhigo la kulanka Ra’isul wasaaraha una ambabaxo Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kula balansan yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan oo iminka halkaasi ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com