MAAMUL goboleedkii labaad oo magacaabay GUDDIGA doorashada AQALKA SARE

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr Cali Saciid Faqi ayaa maanta si rasmi ah u magacaabey Xubnaha Xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaas ee qabashada doorashada Aqalka Sare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabay 11 xubnood oo uu guddiga Baarlamaan ka koobnaan doono, kuwaasi oo ayagu iska soo dhex dooran doona guddoon.

Xubnaha uu magacaabay Dr Faqi ayaa waxay ka shaqeyn doonaan sidii xildhibaanada golaha wakiilada Koonfur Galbeed u dooran lahaayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee magaacaba guddiga qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, xili uu dib u dhac ku yimid doorashada Senator-da Aqalka Sare.

Jubbaland ayaa ahaa maamulkii u horeeyay ee magacaaba guddiga qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare, oo qorshuhu ahaa inay bilaabato doorashadooda maanta oo ku beegan 25-ka bisha 7-aad, hase yeeshe waxay ugu dib dhacday sababo la xiriira habraacii doorashadaas loo qaban lahaa oo ay dhameystirin inta badan dowlad goboleedyada.

Ilaa iyo hadda ma jiro Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da August, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Dib u dhacaas ayaa waxa uu mugdi kale sii gelineya Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa, islamarkaana uu ka muuqdo cagajiid hor leh.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga