MAAMUL goboleedkii ugu horreeyey oo ka jawaabay warkii ka soo baxay Beyle

Kismaayo (Caasimada Online) – Ayada oo shalay warqad ka soo baxday wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle looga dalbaday maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ayaa waxaa ka jawaabay Maamulka Jubbaland.

Wasiirka maaliyada ee maamulka Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa arrintaasi ka hadlay, waxaana uu sheegay in aanay jirin lacag ay dowlada siisay maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Jubbaland.

Wasiirka ayaa ku macneeyay warqadii ka soo baxday Xafiiska wasiir Beyle in ay tahay mid lagu calqaladeeyno shirka maamul goboleedyada ee Garoowe ka socda.

Wasiir Qalinle ayaa sheegay in warqadii hore ee isla arintaasi looga codsanayay maamul goboleedyada lagu soo beegay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Dr Bayle ayaa shaay sheegay in Bangiga aduunka soo daayey kaalmadiii labaad ee uu siiyo dowladda (Surge Support) oo loogu talagalay in lagu dhiso hay’adaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxa uu ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay soo diraan dalabka lacagaha hadda ay u baahan yihiin.

Wasiirka waxa uu sheegay in xisaab celinta ay muhiim u tahay maamul gobolleedyada, maadama ay ku heli doonaan qondadooda lacagta taageerada ah ee uu Bangiga aduunka soo daayey.

Hoos ka aqri warqadda Beyle ee shalay soo baxday