Sawirro: Xaaf oo Garoowe lagu guddoon-siiyey abaal marin yaab leh oo madax goboleedyada ay alifeen

Garoowe (Caasimadda Online) – Iyada oo Maanta Magaalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada lagana soo saaray war-murtiyeed ka kooban 15 qodob oo Amaanka, Siyaasadda iyo wada shaqeynta u badnaa ayaa munaasibaddii xiritaanka waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Abaal-marintan oo ah mid cusub oo ay alifeen madax goboleedyada, ayey dowlad Goboleedyada ku sheegeen in ay tahay dadaalkii uu xaaf ku bixiyay nabadeynta Gaalkacyo iyo heshiiskii uu la galay Maamulkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee ay midoobeen.

Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa guddoonsiiyay Shahaado sharafta Madaxweynaha Galmudug.

Xaaf ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedka ee muddada soo socota.