Sidee baa looga falceliyey go’aanaada golaha madax goboleedyada ee Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga aragti dhiibtay qodobada lama filaanka ah ee Garoowe ay ka soo saareen Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland.

Qaar badan oo ka mid ah dadka arintan ka fal celiyey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta dib loogu laabto xulafaysigii iyo danaha shakhsiyeed ee Qaran jabka ku riday shacabka Soomaaliyeed.

Qodobbada ay soo saareen Dowladda Goboleedyadu ee ku saabsan sameysashada ciidan iyo sirdoon gaar ah, gole amni, hor istaagidda ansixinta shuruucda dalka iyo ku dhawaaqista Shir wada tashi oo heer Qaran ah ayaa ka dhigan maja xaabinta awoodaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ah iyo khiyaano Qaran, sida ay tilmaameen dad badan.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland iyo Koonfur-Galbeed ayaa durba muujiyey walaacooda ku aaddan arinkan, iyagoona ku tilmaamay mid ay ku doonayaan Cabdiweli Gaas iyo Shariif Xasan in ay kusii kororsadaan muddada xil haynta, ayna kula dagaalamaan mucaaradkooda.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Gaas in uu uga faaiidaysanayo khilaafka Dowladda Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe danihiisa gaarka ah ee la xiriira doorashooyinka 2021-ka.

“Khilaafkii la sheegayey ee u dhexeeyey maamulada iyo Dowlada Federaalka ma waxaa uu noqdey xalkiisu in lagu dhiso xisbi siyaasdadeed oo uu madax ka yahay Gaas- kii aan Puntland ku aragney- maanta waxaa sii cadaatey danaha is-jiiraya ee Cabdiweli Gaas ka leeyahay hogaaminta Puntland isagoo muddo Shan sano ah jaranjaro ka dhiganayey shacabka Puntland.” Ayuu ku soo qoray Maxamed Faroole bartiisa Facebook-ga.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka ka soo jeedaa Koonfur-Galbeed ayaa si jees jees ah uga aragti dhiibtay go’aamada Golaha Dowlad Goboleedyada iyagoona suaalo ka keenay sida ay ugu suurta galayso Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Madashan in uu gudoomiyo shirka lagu balamay bil kadib, maadaama uu banyan doono xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed 17-ka bisha so socota.

Su’aalaha kale oo laga keenay bayaanka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka mid ah halkee laga keeni doonaa maal gelinta ciidamada ay sameyn doonaan, iyadoo dadka qaarkii ay tusale usoo qaadanayaan ciidamada Galmudug iyo Puntland ee mushahar la’aanta mudo ka cabanaya.

Qof lagu magacaabo Yosif Dirik-souwn oo arrintaas ka aragti dhiibtay ayaa yiri; “Waxaan ay xar-xariiqeen bil u qabo sideey u qaboobaan aad aragtide. Ma nimanka mushaarka u waayay ciidankii aay horay u lahaayeen ee maalin walba gadoodka sameeynaya waliba Maamul Goboleedkii ugu dakhliga fiicnaa Puntland.”