Sacuudiga oo shaaciyey arrin aan laga fileyn oo ku saabsan dilka Khashoggi

Riyadh (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa sheegay in dilka suxufi Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyey.

Hadalkan ayaa burinaya midkii horey uga soo baxay dowladda Sacuudiga ee ahaa in Jamal uu ku dhintay gacan ka hadal si lama flaan ah uga dhacay gudaha qunsuliyadda, labadii October.

Taleefishinka dowladda ay leedahay ee al-Ekhbariya ayaa sheegay in akhbaar cusub oo ay ka heleen Turkiga ay wax ka beddeshay fahamkii ay xukuumadda Riyadh markii hore ka haysatay dilka.

Bayaanka laga aqriyey taleefishinka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dacwad oogayaasha ay su’aalo weydiinayaan dadka lagu tuhunsan yahay dilkan, ayada oo lagu dabaqayo akhbaar ay bixiyeen kooxda Turkishka iyo Sacuudiga isku dhafka ah ee baaraya kiiska.

Hadalkan cusub ayaa mar kale muujinaya isbeddelka aan dhamaan ee Sacuudiga mar walba ku saymeynayaan kiiskan.

Xukuumadda Riyadh ayaa markii hore sheegtay inaysan waxba ka ogeyn maqnaanshaha saxufiga, islamarkaana uu ka baxay qunsuliyadda markii uu dantiia ka dhameystay labadii October.

Laba toddobaad kadib waxay qiratay in “Jamal Khashoggii uu ku dhintay gacan ka hadal si lama filaan ah uga dhex dhacay qunsuliyadda.”

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com