Wiilka Jamal Khashoggi oo ka baxay dalka Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Telefishinka CNN-ka Maraykanka waxa uu goor dhow shaaciyey in Saalax Jamaal Khashoggi iyo qoyskiisa ay ka ambabaxeen dalka Sacuudiga, maalin kadib markii uu la kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan oo ay uga tacsideeyeen dilka Aabihiisa.

Lama sheegin Saalax Jamaal Khashoggi halka uu u ambabaxay, waxaase loo badinayaa inuu u dhoofay magaalada Dalka Mareykanka.

Dhoofka Saalax Jamaal Khashoggi iyo caa’iladiisa, ayaa waxaan wali ka hadal Dowladda Sacuudiga oo horey ugu soo rogtay xayiraad dhinaca Socdaalka ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa Saalax Jamaal Khashoggi horay uga mamnuucday inuu ka dhoofo dalka sida aan ku sheegnay wararkeena hore.

Saalax Jamaal Khashoggi, ayaa dhoofkiisa hore la mamnuucay kadib markii uu Aabihiisa mucaarad ku ahaa Madaxda Sacuudiga, gaar ahaan Amiirka awoodda badan ee Maxamed Bin Salmaan.

Lama sheegin in dowlada Sacuudiga ay xayiraada socdaalka ka qaaday Saalax Jamaal Khashoggi iyo inkale, waxaana jira warar sheegaya in curudkan uu ku baxay dalab dowlad kale uga imaaday.