War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii madax goboleedyada (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa shirkii ay ku lahaayeen Garowe ka soo saaray war-murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ka doodeen.

Dhinaca amaanka ayey ku sheegeen in ay sameynayaan Ciidamo isku dhaf ah oo Daraawiish ah amaanka dalkana la wareegaya kuwaas oo yeelanaya hal talis.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay sameynayaan Gole amni oo dowlad Goboleedyada u gaar ah, islamarkaana labo bil gudahood dowlad Goboleed kasta ku bixiyo 1,000 Askari.

Ciidankaan ayaa waxaa laga soo xuli doonaa Ciidanka darawiishta maamul goboleedyadda, waxaana maamulada ay u muuqdaan in ay soo bandhigayaan awoodooda Ciidan ee ka dhanka ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Ciidan ayaa waxaa lagu howlgali doona Muddo 2 bilood ah sidda lagu sheegay war kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Maamul goboleedkaste waxaa uu soo xuli doonaa kun Askari,kadibna tababar wadajir ah ayaa loo furi doonaa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horay ugu baaqay in maamul goboleedyadda ay sameystaan Ciidan gaar ah,maadaama Ciidankii Qaranka ay isku koobeen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com