CC Shakuur: Xukuumada Kheyre waxaa laga dhinac dhisay xukuumad cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadla go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxgoboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Garoowe.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in madax goboleedyada ay ku dhawaaqeen dagaal meeshii ugu sarreeyey ah oo ka dhan dowladda Soomaaliya.

“War-murtiyeedka dawlad goboleedyada ka soo baxay wuxuu u muuqdaa mid si wayn kaga duwan kuwii hore. Waxay sheegeen in ay dhisanayaan Gole Amniga Dawlad Goboleedyada, Sirdoon, dhaqaale iyo ciidan isku dhaf ah. Waxay dhisteen Xisbi, waxay ku baaqeen shirwayne qaran, waxay ka baxeen qorshayaashii fulineed ee dhinaca amniga ahaa ee horay loo gaaray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas ku daray inay muuqato in madax goboleedyada ay xukuumad kale ka dhinac dhiseen xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

“Haddii aad sadarada dhexdooda si fiican u aqriso waxaa soo baxaysa in ay leeyihiin dawlada federaalka ah waxay gabtay masuuliyadeedii amni, siyaasad iyo dastuur, waana ka quusanay, sidaas darteed masuuliyadii ayaan kala wareegnay, waxaana dhisnay xukuumad barbaryaal ah Inta Soomaali isaga imaanayso.” Ayuu yiri.

“Waa dagaal meeshii ugu saraysay dalku dabaqabad ayuu u baahan yahay”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com