Puntland oo ka jawaabtay qoraalkii wasiir Beyle, soona bandhigtay lacagtii ay ka heshay DF

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada maaliyada Puntland, Cabdilaahi Saciid Carshe ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga jawaabay warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaarada maaliyada soomaaliya Dr Bayle taas oo maamul goboleedyada looga codsanayay in ay soo gudbiyaan xiisaab celinta lacagihii ay dawlada dhexe siisay si loogu fasaxo lacagaha kale.

“Wallow aysan ahayn lacago sidaas u badan oo la shaacin karo, hadadna waxaan u aragnaa in ay lagama maarmaan tahay in laga jawaabo, qoraal fariimeedka ka yimi Dawladda Dhexe ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasiirkaa maaliyadda Puntland ”

”Lacagta naga soo gaaray Dawladda dhaxe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland. iyo lacag loogu tala galay in lugu taageero kharashyada iyo adeegyada qayba ka mid ah Wasaaradaha iyo hayaddaha Dawladda Puntland taasoo dhamayd USD ( $ 50,000)” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.