Maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka oo arrin cusub isku khilaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Wasaaraddaha diinta ee maamul goboleedyadda ayaa ku eedeeyay wasaarada diinta iyo awqaafta Soomaaliya in ay qaaday tilaabooyin ay ku doonayso in ay ku musuq maasuqdo tiradda Xujeyda Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay ka yimaadaan maamul goboleedyadda.

Wasaarada diinta iyo awqaafta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay doonayso in ay Musuq maasuqdo Shirkaddaha loogu tala galay in ay qaadaan Xujeyda Soomaaliyeed oo ay sameysay Guddi u gaar ah oo aysan kala tashan maamulada kale ee dalka ka jira.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta maamulka Galmudug Cabdishakuur Macalin Ciise ayaa sheegay in Galmudug ay si cad uga soo horjeedo habdhaqanka Wasaaradda diiinta ay ku magacowday Guddi la sheegay in ay kala saarayaan Shirkaddaha qaadda Xujeyda.

Waxaa uu sheegay in tilaabadda guddiggaasi lagu Magacaabay ay tahay Mid ku saleysan Musuq maasuq iyo wax isdabamin, islamarkaana Galmudug marna aysan taageeri doonin.

Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheekh Xaamud Maxamed, ayaa ka hor yimid guddi kala saara shirkadaha Xujeyda sanadkan qaadaya, Guddigaas oo uu soo saaray Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wasiir Cawil oo galabta Shir Jaraa’id u qabtay suxufiyiinta waxa uu sababta ay u qaadaceen guddiga ku micneeyay la tashi la’aan, isagoo si toos ah Wasaarada uga dalbaday in maamulkooda ay ugu soo wareejiso qoondada ay guddigaas ku lahaayeen, si arrimohooda ay si gaar ah u maamushtaan.

“Xaq baanu u leenahay in nagula soo wareejiyo, si aan u ogaano tirada xujeyda Puntland ee halkaan ka baxi doonta, Wasiirka Diinta Federaalka waanu wadahadalnay, waxaana ka sugeynaa in uu nagu soo wareejiyo, hadii ay jiraan awood ka sareysana u cadeeyo shacabka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheekh.

Guddiga uu muranka badane ka dhashay ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, waxaana ay ka kooban yihiin dhowr Xubnood oo kala socda Wasaaradda, culimadda iyo Ururada bulshadda rayidka ah.

C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo

Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo

Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo

Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka

Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka

Wasiirkii ka horreeyay Sheekh Nuur ayaa shaqadiisa ku waayay in uu xalin waayay Khilaaf kaga yimid Shirkaddaha qaadda Xujeyda iyo maamulada qaarkood oo kasoo horjeeday, waxaana bulshadda ay welwel badan ka qabtaa sidda ay wax ku waddo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com