Maamule iskuul oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay dhimashada hal qof, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada Dayniile ayaa ka dhacay xaafadda  Bangala ee demadaas, iyada oo lala beegsaday gaari uu la socday maamule Iskuul.

Gaariga ayaa mar qura qarxay, waxaana goobta ku dhintay Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa Maamulihii Iskuulka Dayniile.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana qaarkood ay sheegayaan in maamulaha gaariga loogu xiray, halka kuwa kalena ay ku warramayaa inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo maydka marxuumka ka qaaday halkaasi, waxaana ay saameeyeen baaritaano kooban.

Allaha u naxariistee Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada ka bixiyey dhacdadaasi iyo dilka maamulihii iskuulka Dayniile.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.