Maamulka Bari oo go’aan kusoo rogay carruurta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka iyo Saraakiisha Gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay go’aan lagu mamnuucaayo isticmaalka baaruudda carruurtu ku ciyaaraan xilliga ciidda.

Cabdixakiin Yuusuf oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bari, ayaa sheegay in Maamulka uu si cad u mamnuucaayo in Carruurta ay isticmaalan Baaruuda inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, isagoo sheegay inay dhibaato weyn ku hayso bulshada islamarkaana ay abuureyso walaac iyo qalqal galinta amaanka Gobolka.

Waxa uu sheegay in Ganacsatadu ay uga digayaan in Carruurta ay ka iibiyaan Hubkaasi, ganacsadihii lagu arko isaga oo iibinaayo in Mas’uuliyadeeda uu dusha saaran doono, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Baaruuda ay walaac gaar ah galineyso amaanka, islamarkaana ay Ciidamadu awood u yeelan karin inay la socdaan dhaqdhaqaaqa amaanka Gobolka, sidaa awgeedna ay ku mamnuucayaan.

Nuqul kamid ah haddalka Taliyaha ayaa ahaa “Waagii hore waxaa la keeni jiray waxyar oo aan dhibaato lahayn, laakiin hadda waxaa la keenay waxaad moodid gantaal iyo waxyaalo loo ekeysiiyay qaraxa dhulka lagu aaso, kuwaas oo dadka waxyeelo ugeysan kara marka ay qarxaan’’

Haddalka Taliyaha ayaa nusqaan u keenaya ka macaashida baaruda ay ka macaashi jireen Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu kawada siman keenista Xilliga Ciidaha agab ay Ciyaalka ku ciyaaraan.

Go’aankaani ayaa u muuqanaayo mid aan laga fiirsan Bacdamaa Carruurta ay leeyihiin maalmo gaar ah oo ay ku cayaaraan agabkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com