FADEEXAD: Markab u rarnaa QM oo lagu qabtay hubka daran-dooriga u dhaca iyo daroogo halisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya, ayaa gacanta ku dhigay Markab u rarnaa QM oo laga helay Hub iyo Daroogo farabadan oo qaab sharci darro ah loogu soo raray.

Markabkaani ayaa lagu qabtay Xeebaha Mombassa, waxaana xiligaasi la socday shaqaale kor u dhaafayo 43 kuwaasi oo kasoo kala jeeday dhowr iyo toban dal.

Markabka ayaa waxa uu siday rar Gaadiid ah, balse Ciidamada Sirdoonka waxa ay sheegen in Hubka iyo Daroogada ay yihiin kuwo lagu dhex qariyay lana doonaayay in looga faa’iideyso awooda QM.

Markabkan oo ka yimid magaalada Mumbai ee dalka India, ayaa kusoo xirtay dekkada Mombasa, waxaana saarnaa gaadiid gaaraya 257 oo ay leeyihiin ciidamada UN-ka ee ka hawlgala dalka DR Congo.

Dhanka kale, Baaritaan lagu sameeyey Markabkan ayaa la sheegay in lagu helay hub lagu soo dhex qariyey markabkan oo ay ku jiraan qoryaha daraan-dooriga u dhaca iyo Baasuukayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com