MADAXDA dalka oo farriin u diray SHACABKA.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sareyso dalka ayaa hambalyada ciida la wadaagay ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, maadaama maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee ciidul Adxaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aadan ciida u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iney is cafiyaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa dhankiisa farxada ciida la wadaagan Soomaalida, wuxuuna alle uga baryay in sanadkaan sanadkiisa nabad ku wada gaaraan.

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa fariin ciida ah u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ummada Soomaaliyeed ugu baaqay iney is cafiyaan.

Dhamaan madaxda ayaa fariintooda aheyd mid isku mid ah oo ay shacabka ugu baaqayeen iney is cafiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com