SAWIRRO Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiin kale oo maanta salaadda ciidda la duktay shacab badan

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Masjidka weyn Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho si wada jir ah Salaada Ciid ugu wada dukaday Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Madaxweyne Xassan Sheekh.

Salaada ayaa waxaa sidoo kale kusoo duktay Masjidkaasi Ra’isul wasaare ku-xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin farabadan oo iyago salaada kadib maanta isku arkay Masjidka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaada ka dib waxaa uu hadal u jeediyay bulshada Soomaaliyeed waxaana uu madaxweynuhu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu is cafiyaan iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabada ciida .

Madaxweyne Xassan waxa uu Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in midkood midka kale uu cafiyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa Ummada Somaliyeed u diray dhambaal hambalyo ah oo ku aadan Munaasabadda Ciidul Adxaa, isagoona shacabka ugu baaqay inay dhexdooda is gargaaran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
sn1

sn2

sn3

sn4

sn6

sn7

sn8

sn9

sn10

sn11

sn13

sn14

sn15

sn16

sn17

sn18