Jeddah (Caasimada Online) – In ka badan 700 oo qof oo xujaay ah ayaa Khamiistii ku dhintay is-riixriixid magaalada Mina iyagoo gudanaayo maalintii ugu danbeysay waajibaadka Xajka. Is riix-riixidda ayaa timid xilli lagu guda jiray dhagax tuurka shaydaanka magaalada yar ee Mina oo seddex kilo mitir u jirta magaalada barakeysan ee Maka.
Boqolaal qof ayaa ku dhintay sanadihii la soo dhaafay isla xafladdan dhagax tuurka ah ee magaalada Mina. “Waxaa dhacay is riix-riixid aay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 700” Ayuu mar uu la hadlayay saxaafadda u sheegay Gen. Mansour Al-Turki oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudah ee boqortooyada Sacuudiga.