Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo ka dhan ah masuliyiinti hore ee gobolka

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir, ku xigeenadii hore, agaasimiyaal iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood ka tirsan dowladda hoose ee Xamar ayaa loo diiday in loo cusbooneysiiyo kaararka aqoonsiga ee maamulka gobalka Banaadir.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa markii ugu horreysay badalay Kaararka aqoonsiga shaqaalaha dowladda hoose oo dhacsanaa tan iyo geeridii guddoomiye Injineer Yariisow, waxaana markii la soo daabacay la diiday in loo cusbooneysiiyo maamuladii hore ee degmooyinka oo qaarkood ahaa shaqaale, halka qaar kalane ay u isticmaali jireen wado maris maadaama wadooyinka Muqdisho kaliya lagu maro kaararka aqoonsiga dowladda Soomaaliya.

“Kararkii waa nagala reebtay markaa weydiinay sababta waxaa noola sheegay in ay tahay amar guddoomiye, Cumar Filish markaa raadinay ilaa hada waan la’nahay albaabada ayaa nagala xirtay,” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir.

“Haddii aan gawaarideyna magaalada ku mari karin, ciidan heysan, amni jirin, waxaa noo muuqato in la rabo in nala dilo xal aan aheyn inaa dalka ka cararno nooma muuqdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cumar Maxamed Maxamuud Filish, amar ku bixiyay in qof aan xafiiskiisa la soo marsiinin la siin karin kaararka aqoonsiga dowladda Hoose ee Xamar si loo hubiyo ammaanka gobalka oo mar ka dhacay qarax culus oo galaaftay nolasha dad badan oo muhiim ah.