CC Shakuur: Su’aal ayaa ka taagan madax banaanida Somalia hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo wareysi siinayay mid ka mid ah Tv-yada Maxaliga ah ayaa sheegay in madax bannaanida Soomaaliya ay su’aal ku jirto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu halbeeg ka dhigtay joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo gacanta ku haya goobaha ugu muhiimsan dalka, sida madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, dekedda Muqdisho, xarunta Baarlamaanka iyo goobo kale oo muhim ah.

Wuxuu barnaamijka uu ka qeyb galayay ka sheegay in dib u hanashada madax bannaanida Soomaaliya ay bilaaban doonto maalinta Askariga Soomaaliyeed loo dhiibo wax walba, balse inta ka horreysa ay su’aal ka jirto inaan nahay dal madax bannaan.

“Ineysan Soomaaliya wali madax banaaneyn oo ay nusqaan tahay waxaa halbeeg u ah, maalintii laga wareejiyo askariga Ugandes-ka ah ee Villa Soomaaliya jooga furaha xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbiga Wadajir.

“Inta ay ciidamo ajnabi ah hayaan amniga Villa Soomaaliya, amniga garoonka diyaaradaha, amniga dekedda ama amniga xarunta Baarlamaanka, madax bannaanida Soomaaliya su’aal weyn ayaa ku jirta.”

“Dadkaas ajnabiga ah ee u yimid Soomaaliya iney xaliyaan dhibaato Soomaalida dhexdooda taala maalintaan iska fasaxno, askariga Soomaaliyeedna loo dhiibo, Soomaaliya ay gacanta u gasho Askariga Soomaaliyeed markaas ayey bilaabaneysaa dib u hanashada madax bannaanida Soomaaliya.”