Immisa lacag ah ayey Al-Shabaab dalbatay, si ay u deyso dhaqaatiirta Cuba?

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Cuba wuxuu wada-hadal hoose u socdaa dowladda dalkaasi iyo Al-Shabaab, si dib xorriyadooda loogu soo celiyo, Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo ah dhaqaatiir u dhashay Cuba, islamarkaana muddo ka badan sanad ay afduub u heysato Shabaab.

Warbaahinta lagu magacaabo Cibercuba ayaa shaacisay in wada-hadalladaas uu u jeedkooda yahay, sidii Al-Shabaab looga soo deyn lahaa labada dhaqtar.

Cibercuba ayaa sidoo kale warisay in wada-xaajoodyadaasi ay fududeynayan odayaal dhaqameedyo iyo shaqsiyaad kale, kuwaas oo aysan carab-baabin magacyadooda.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso in dhaqaale fara badan ay ka sameyso afduubka dhaqaatiirtaasi, iyada oo la shaaciyey in wada-hadallada socda ay ku dalbatay lacag gaareyso 1.5 milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Dowladda Cuba ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sidii ay u soo bad-baadin laheyd dhaqaatiirtaasi oo haatan la sheegay inay Al-Shabaab uga faa’iideystaan daaweynta dagaalyahandooda ku soo dhaawacma dagaallada ay wado, ama kuwa ka xanuunsan.

Sidoo kale wada-hadalladan soo shaac-baxay ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Soomaaliya iyo Cuba ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan xaaladda dhaqaatiirtaasi gacanta ugu jirta kooxda Al-Shabaab.

Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay qeyboa ka mid ah gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan iyo xilligaas ay gacanta ugu jiraan dagaalyahanada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.