Shaqaalaha DF oo la siiyey amar la xiriira hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ay baaritaan marsiin doonto dhamaan shaqaalaha ka howlgala xafiisyadda dowladda.

Sida lagu cadeeyay warqadan baaritaankaas ayaa la xiriira ammaanka, waxaana lagu socodsiiyey dhammaan shaqaalaha dowladda, iyadoo la ogeysiiyey xafiisyada NISA, ra’iisul wasaaraha iyo kan madaxweynaha.

Warqadan ayaa ku taariikhaysan 03-dii bishan October, waxaana ku saxiixan wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa, iyadoo laga codsaday hey’adaha dowladda inay arrintaan baaritaanka ah kala shaqeeyaan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhamaan hey’adaha dowladda fedraalka inay la shaqeeyaan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka oo baaritaan amni ku sameyn doonta, dhamaan shaqaalaha ka howlgala hey’adaha dowladda, iyagoo wareysi iyo diiwaan gelin intaba ku sameyn doona, si loo hubiyo bad-qabka amni ee la xariira shaqaalaha iyo xarumaha dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka.