Ciidamada DF oo qabtay gaari xamuul ah oo siday qaraxyo lagu baabi’i lahaa

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax laga soo buuxiyey gaari xamuul ah oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta ku fashiliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxaas ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ku soo rareen gaari weyn oo Dheyne ah, isla markaana uu ku soo socday magaalada Muqdisho.

Howlgalka lagu fashiliyey qaraxaas waxa uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana fuliyey ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor-Gor.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in gaarigaas lagu qabtay degaan lagu magacaabo Walamooy oo u dhaw Afgooye, sidoo kale xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas.

Ismaaciil Siidoow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Basro iyo seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa ayey maanta dileen ciidamada militeriga Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiishu, intii ay ku jireen howlgalkaas.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa militeriga ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan deegaanada xiga caasimadda Muqdisho.